Al-Shabab oo qarxisay gaari ay la socdeen dad shacab ah

Xudur (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta lala eegtay gaari xamuul ah oo ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu marayey magaalada Qurac Joome oo ka tirsan gobolka Bakool ee Soomaaliya.

Qaraxa oo ah mid xoogan ayaa burburiyay gaariga oo ay socdeen dad badan oo shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Muuqaal laga soo duubay qaraxa ayaa muujinaya baabuurka oo gubtay, isla-markaana burburay, sidoo kalena laga soo saaray hilbaha qaar kamid aha dadkii dhintay.

Sidoo kale waxaa gurmad u fidiyay shacabka ay waxyeelada soo gaartay dadka deegaanka oo ku baxay dhibaatada ka dhalatay qaraxaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta magaalada oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarada noocan oo kale ah ka fulisa waddooyinka isku xira gobollada Baay iyo Bakool, ayaga oo beegsada ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Si kastaba, ayaa waxaa maalmihii dambe aad u kordhay weerarada jidgalka ah ee ay fuliso, Al-Shabaab, sida qaraxyada, waxaana ugu dambeeyey miinadii lagu dilay AUN Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladd iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, taas oo todobaadkii hore lagula beegsaday duleedka Mahadaay ee Sh/Dhexe.