Shariif iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo war kasoo saaray dagaalkii Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisul wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee Koonfur Galbeed gaar ahaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afartaan siyaasi ayaa waxa ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida, ayaga oo ka dalbaday dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro doodda taagan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxdan Soomaaliyeed.

Sidoo kale Sheekh Shariif, Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdrashiid iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay qaadato doorkeeda ku aadan xaaladda K/Galbeed.

“Waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si dalka looga badbaadiyo dib u dhac.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa sidoo kale ay intaasi ku dareen in dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay u turid iyo isku taasulid si looga baaqsado in dib loogu laabto dhibaatooyinkii horay u dhacay.

Xaaladda Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe qasneyd ayaa isku beddashay gacan ka hadal, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baydhaba.