Daawo: Caro xoog leh iyo banaan-baxyo ka dhashay dil ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid bulshada degmada Kaaraan ayaa galabta dhigay banaan-bax xoog leh oo ay dowladda Soomaaliya u dalbanayaan inay cadaalad u helaan nin darawal mooto ahaa oo galabta uu dilay askari boolis ah.

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa u geeriyooday xabad laga riday qoriga Dhakhiikaha ee gaadiidka la saaro, waxaana dilkiisa ka dhashay banaan-bax ay dhigeen dad u badan ehelladiisa.

Askari la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada taliyaha booliska degmada Kaaraan ayaa ninkaan dilay, isagoo dhaawacay haweeney kale oo mootada la socotay.

Ehellada Cabdiraxmaan oo banaan-bax ka dhigay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ayaa dowladda ka dalbaday in askariga dilka geystay sharciga la hor keeno, iyagoo cadeeyey in wax aan sharciga aheyn aysan ku qanci doonin.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka geeriyooday hal xaas, seddax carruur ah iyo waalidkiis oo noloshooda uu gacanta ku haayey, maadaama uu ahaa halka qof ee u xamaala reerka dhan.

Muqdisho, waxaa aad ugu badan dilalka ay sidaan oo kale askartu ugu geystaan dadka shacabka ah, gaar ahaan gaadiidleyda, waxaana aad u yar askarta sharciga loo hor geeyo dembiyada la xariira dilka dadka shacabka ah.

Hoos ka daawo