Daawo: Wasiirkii Warfaafinta K/Galbeed oo is-casilay, kadib markii ‘la weeraray’ dadkiisa

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa xilka iska casilay, isagoo xil ka tegistaan u sababeeyay weerarkii ay shalay ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Laftagareen ku qaadeen guriga musharax Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii la laayey dadkii uu ku metalay dowladnimada K/Galbeed, isagoo sheegay in wax aad looga xumaado uu dadkiisa kula kacay Laftagareen.

“Dhacdo aad u fool xun oo qof qalbigiisa ay islaamnimo ku jirto uusan qaada Karin ayaa Baydhaba ka dhacday, waxaa lagu dheelay dowladnimadii aan waqtiga badan u soo hurnay, maanta waxaan ogaansaday in wixii shalay Baydhaba ka dhacay dartood aan xilka uga tago,” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta K/Galbeed.

Wasiir Ilyaas ayaa sheegay in xukunka uu u joogay in dadkiisana uu ku metelo, dowladnimadana uu wax ka dhiso, balse balan ka baxyo uu ku sameeyey hoggaanka maamulkaas.

“Inta uusan weerarkaan dhicin habeen ka hor ayaan aniga, Suldaanka beesheyda iyo xildhibaanka DF nagu metela waxaan u tagnay Madaxweyne Laftagareen, waxaana u sheegnay in dhibaato badan aan tabaneyno oo dhalinyaradaas in la weeraro aanaa raali ka noqon Karin, balan ayaan lasoo galnay madaxweynaha, kadibna gadaasheena inta laga wareegay ayaa dhalinyaradii la weeraray, qaar waa la laayey, qaarna dhaawac iyagoo ah ayaa lasoo qabtay,” ayuu yiri wasiir Ilyaas.

Wasiirka ayaa ciidanka Itoobiya ka codsaday inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka reer Koonfur Galbeed oo mar dambe aan loo adeegsan siyaasadaha is diidan, si shacabka iyo siyaasyiinta reer K/Galbeed ay u soo doortaan hoggaan ay ku qanacsan yihiin.

“Dowladda federaalka oo Madaxweynaha, R/Wasaaraha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ay ugu horeeyaan waxaan ka rabnaa in arrinta K/Galbeed aysan sahlan, halkaan in kursi dartiis dhiig loogu daadiyo ma dooneyno,” ayuu yiri Ilyaas.

Wasiir Ilyaas ayaa Cabdicasiis Laftagareen ugu baaqay in kursiga uu isaga tago sidii Shariif Xasan, intii uu dhiig ku daadin lahaa, “Laftagareen waxaan la soo shaqeynayey mudo dheer, waxaan maamulka soo gaarsiinay meel munaasab ah, hadii lagu yiri hal sano kuma siineyno, madaxweyne adigoo dhiig daadin oo dhib geysan doorashada si sharaf leh u qabo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Ilyaas Cali Nuur.

Hoos ka daawo