Shabaab oo qarxisay mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah + Khasaaraha

Mahadaay (Caasimada Online) – Waraka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in miino ay dhigeen dagaalyahanada Al-Shabaab ay maanta la kacday mooto Bajaaj ay la socdeen shacab, xilli ay mareysay inta u dhaxeysa deegaanka Buurane iyo Mahadaay.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu aasay waddada aada deegaanka Buur-fuule oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha.

Saddex qof oo saarnayaa mootada ayaa ku geeriyooday qaraxan, waxayna kala ahaan qof dumar ah, darawalkii mooto Bajaajta waday iyo nin kale beeraley ahaa.

Sidoo kale waxaa gebi ahaan burburtay mootada uu qaraxu haleelay, waxaana goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo dhacdadaan ku eedeeyay Shabaab.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana howlgallo ka wada ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa ATMIS ee ku sugan halkaasi

Maalin kahor ayey aheyd markii waddadan qarax kan mid ah lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu la socday sarkaal lagu magacaabi jiray AUN Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo laba xidigle ahaa, kaas oo goobta ku dhintay, isaga afar askari oo kale oo ilaalo u ahaa.

Kooxda Al-Shabaab oo haatan laga saaray Shabeelaha Dhexe ayaa inta badan weeraro dhabagal ah ku qaada ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobolkaasi, waxaana mararka qaar  miinooyinka soo boodada ah ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka rayidka ah.