Villa Somalia oo shaaca ka qaaday muddada ay kusoo afjareyso kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa shaaciyey waqtiga ay dowladdu u qorsheysay in lagu soo afjaro gabi ahaanba kooxda Al-Shabaab oo dagaal culus ay kula jirto.

Xuseen Macalin oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in markii ay ka tashadeen sida laga yeelayo dagaalka Al-Shabaab ay qorsheeyeen in kooxda lagu soo afjaro mudo laba sano ah.

“Markaan tashanay waxaan ku qanacnay in laba sano gudahood aan Shabaab ku soo afjari karno, iyadoo ATMIS laga maarmayo, marka Shabaab jiritaankooda wuxuu halkaan ku soo gaaray maamul xumada iyo daciifnimada dowladeenna,” ayuu yiri la-taliyaha dhanka amniga ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Shabaab-ka looga adkaan karo mudo aad u kooban, “In kastoo kaalmo caalami ah aan isaga baahanahay, hadana cidda Shabaab jebi kartaa waa ciidanka Soomaaliya oo kaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xuseen Macalin oo la weydiiyey dowladaha dhanka duqeymaha iyo dagaalka Al-Shabaab ka taageera dowladda Soomaaliya ayaa ku jawaabay, “Dowladaha dagaalka Al-Shabaab iyo dhanka circa naga taageera waa badan yihiin, dowladda Turkiga cir kaliya nagama taageerto oo ciidanka ugu badan ee dagaalmaya ayey noo tababartay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladaha UK, Sacuudiga, Qatar, Mareykanka iyo Imaaraadka ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab.

Hoos ka daawo