Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray magaalada Qaahira ayaa maanta soo dhaweeyn cajiib ah oo aad u sareysa loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya halkaasoo uu ku qaabilay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa saacadaha soo socda yeelan doono wada-hadallo xasaasi ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo kadib wadan qaban doono shir jaraa’id oo wadajir ah.
Sidoo kale waxaa wada-hadalladooda ay kusoo qaadi doonaan arrimaha gobolka iyo doorka Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.
Sida lagu sheegay qoraal ay booqashadan kasoo saartay Villa Soomaaliya wuxuu safarkan qayb ka yahay safarro kala duwan oo uu madaxweynuhu ku kala bixinyo qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo danaha Soomaaliya ay ka leedahay dalalkaasi.
“Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Safarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu uga soo qayb-galay Madasha 17aad ee Aljazeera, isaga oo ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xadgudbka Israa’iil.
Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka hortegtay farogelinta Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso xeerarka caalamiga ah ee dunida.
Waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo ku aadan ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jira kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo sheegay in haatan laga gaaray guul wayn.

