Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Danab ay Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo bartilmaameed ayaa waxaa khasaare lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, sida ay shaaciyay dowladda Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay laba xubnood, laguna soo qabtay laba kale oo kamid ahaa maleeshiyada argagixisada, xilli ay ku sugnaayeen aagga Warmaxan
“Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka dhan ah Khawaarijta, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkaas waxaa lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka khawaarijta ah, halka laba kale nolosha lagu qabtay” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, inta uu socday howlgalka waxaa lagu qabtay qaraxyo ‘ay kooxda dooneysay inay ku dhibaateyso shacabka, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay xarumo ay lacago ku qaadi jireen maleeshiyaaadka Al-Shabaab.
“Howlgalka waxaa lagu qabtay waxyaabaha qarxa oo argagixisadu ay qorsheynayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka, iyadoo lagu burburiyay goobo Khawaarijtu ay ku baadayeen shacabka” ayaa lasii raaciyay.
Dhanka kale, saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan, ujeedkoodana uu yahay inay xoreeyaan deegaanadaas.
Maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah argagixisada, waxaaana lagu gaarsiiyay khasaare culus, marka loo eego howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay qaar kamid ah gobollada dalka.

