28 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Xasan oo saddex qodob kala hadlaya Al-Sisi+ Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo dhowr cisho qaadan doonto.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in booqashadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Qaahira, waxa uu kulan muhiim ah la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, isaga oo kala hadli doono saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada shacab iyo dowladood, arrimaha gobolka iyo doorka  Soomaaliya iyo Masar ay ka qaadan karaan xasilloonida, nabadda iyo badbaadada marinada ganacsiga ee muhiimka u ah gobolka iyo caalamkaba.

Sida lagu sheegay qoraalka booqashadan ayaa sidoo kale qayb ka a safarro kala duwan oo uu madaxweynuhu ku kala bixinyo qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo danaha Soomaaliya ay ka leedahay dalalkaasi.

“Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kaas oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Safarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo uu uga soo qayb-galay Madasha 17aad ee Aljazeera, isaga oo ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xadgudbka Israa’iil.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay ka hortegtay farogelinta Israa’iil ee madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay ka hor imaaneyso xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Waxaa kale oo uu ka hadlay arrimo ku aadan ammaanka Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jira kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo sheegay in haatan laga gaaray guul wayn.

- Advertisement -

Read more

Local News