Daawo: Xasan Sheekh oo xog cusub ka bixiyey shirkii uu isugu yeeray madaxdii hore

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb ka mid ah  khudbadii maanta uu ka jeediyey Maajidka, salaadii Jimcaha kadib wuxuu kaga hadlay kulankii wadatashiga ahaa ee Muqdisho uu kula yeeshay inta badan madaxdii hore  ee dalka.

Madaxweynaha ayaa madaxdii uu la shiray uga mahadceliyey sida ay talooyinkooda ugu biiriyeen jiheynta masiirka dalkaan.

Wuxuu sheegay in kulankaas uu wax weyn uga dhignaa, isla markaana ay dowladiisu ku camal-fali doonto talooyinkii iyo soo jeedinytii la isku weydaarsaday.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in la qaban doono kulamo kale oo wadatshi ah oo ay ka qeyb-geli doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaa shalay noo soo dhamaaday shir wadatashi ah, dowladnimadu dadka ayey ka dhexeysaa ee anaga gaar nooma ahan, kama maarmi doono inaan talooyin weydiisano maxaxdii dalkaan soo xukuntay iyo mawaadin kasta, intii aan ka gaarno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyanaha ayaa sheegay in ajendihii sharkaas qodob qodob loo dul istaagay oo taladooda ay ku biiriyeen siyaasiyiintii lagu casuumay shirka, “Waxaan ka wadahadalnay arrimo masiiri ah, go’aan iskama gaari karno waa muhiim inaan talada ku soo celino dadka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha intaas ku sii daray, “Odayaashaas waxaa na dhex martay dood socotay laba maalmood oo aad u fiican, aragti qurux badan ayey na siiyeen, waana ku darsanay talada iyo qorshaha aan wadno.”

Maxaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhameystirka dastuurka oo muhiim u ah dalka, isagoo balan qaaday in bilo kooban gudahood ay dowladu ku soo dhameystiri doonto dastuurka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu carrabka ku adkeeyey in dastuurku uu yahay masiir Soomaaliyeed oo meel dalka ka baxsan aan go’aan looga gaari doonin, sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha koowaad uu yahay dhameystirka, balse dib looga tashan doono goorta ay suurtagal noqon karto in afti dadweyne loo qaado.

Hoos ka daawo