Daawo: Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo jawaab yaab leh siiyey Cali Jeyte

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin ayaa u jawaabay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maalin ka hor xildhibaanka ku eedeeyey inuu u bareeri waayey inuu hoggaamiyo beeshiisa, si ay isaga dul-qaado kooxda Al-Shabaab.

Daahir Jeesow ayaa ku dooday in qorshaha uu wato Cali Jeyte ee lagu kala jarayo HirShabeelle uusan aheyn mid ka soconaya Hiiraan, sidoo kale wuxuu aad u dhaliilay sidii uu u hadlay guddoomiyuhu.

Cali Jeyte ayaa horay u sheegay in Jeesow uu ka baqay dagaalka Al-Shabaab oo xero Digaag uu isku soo sawiray, kadibna ku laabtay Muqdisho, waxaana hadda dhaleeceyntii guddoomiyaha ka jawaabay xildhibaanka.

“Hadaa dagaal ku jirto xero xoolo ku jiraan waad arkeysaa, sawirka uu Cali Jeyte arkay waxaa la iiga qaaday degaanka Buq-goosaar oo 85 KM u jira Beledweyne, gaari dagaal ayaa la iga qabsaday maalintaas, maalintaas waxaan watay ciidan hal qabiil ah, isna ciidankii xoogga dalka ayaa garab taagnaa oo diyaarado dagaal wata,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in Cali Jeyte uu ku jisaaray saraakiishii iyo ciidankii xoogga dalka ee Shabaab kala xoreeyey bariga gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa la yaab ku tilmaamay maamulka uu Cali Jeyte ku dhawaaqay ee Hiiraan State, “Cali kaligiis Hiiraan dowlad goboleedk kama dhigi karo, HirShabeelle dhismaheeda taan ka soo marnay Cali Jeyte uga tanaasuli meyno,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Sidoo kale Xildhibaan Jeesow ayaa aad u amaanay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cabdullahi Sufurow, “Markii biya baxadu nagu dhacday Sufurow galbeedka Hiiraan ayuu raashin igala qeybinaayey, nin ka fiican sooma xukumin gobolkaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii xildhibaan Daahir Jeesow ayaa guddoomiye Cali Jeyte ugu baaqay inuu muujiyo masuuliyad, “Caliyow aniga iyo adiga miyi ayaan ka nimid ee ‘nooh-daan’ iska yarey sidii nin masuul u hadal, dadkana ha isku dirin,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo farriintaan u diray guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Hoos ka daawo