Daawo: Xildhibaan Daahir Jeesow oo kashifay maamul xumo baahsan oo ka jirta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isku dhex-yaac baahsan uu ka jiro golaha shacabka, isagoo tusaale u soo qaatay in guddoonka oo shalay yeerinayey xildhibaanada maqan uu ka tegay xubno ka maqnaa golaha.

Xildhibaan Jeesow ayaa guddoonka ku eedeeyey isku dhexyaaca uu sheegay inuu ka jiro golaha, “Fadhigii maanta wuxuu nooga baaqday kooram la’aan, waxaana suurta gal ah in guddoonku uu fasaxay xildhibaano badan,” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray, “Markii la yeeriyey magacyada xildhibaanada maqan, waxaa laga tegay xubno badan oo aan aqaan golahana ka maqnaa, marka waxaan waxay tilmaamayaan isku dhexyaaca dhinaca maamulka ah ee golaha ka jira.”

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa dalbaday in hadda kadib ay jirto xisaab adag oo guddoonku cadeeyo xildhibaan kasta waxa uu ku maqan yahay, “Waxaa miiska saaran dood masiiri ah oo dastuurka wax looga bedelayo, marka kooram hadaan soo buuxi weyno ma waxaan bedeli karnaa dastuur?” ayuu yiri Jeesow.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka oo joogay kulankii baaqday ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaanadu ay waajibkooda guda waayaan.

“Xildhibaan kasta oo maqnaada, waxaan halkaan ka yeeri doonaa magaciisa, si dadkii soo doortay ay u ogaadaan, xildhibaan maqan iyo mid jooga isku xuquuq ma noqon doonaan,” ayuu yiri Abshirow.

87 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay kuwaas oo 16 ka mid ah ay saxiixeen buuga xaadirinta, waxaana arrintaas ka hadlay guddoonka.

Guddoomiye Abshirow wuxuu ku dooday in xildhibaanada saxiixay buugga xaadirinta ay ka fiican yihiin xildhibaanada iska maqan, “Waa inaan kala saarno, ugu yaraan xildhibaanada yimid ee tegay waxay buuxiyeen kooramka,” ayuu yiri.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shalay dhaliilay sababta shir guddoonka loogu soo diro guddoomiye Abshirow, markii laga doodayo arrimo xasaasi ah, inkastoo hadalkaas uu raali gelin ka bixiyey markii ay dhibsadeen xildhibaano badan.

Guddoomiyaha koowaad ee golaha shacabka ayaa ku maqan dalka Sacuudiga, sidoo kale waxaa maqan ku xigeenkii koowaad, waxaana kulamada shir guddoominaya ku xigeenka labaad, iyadoo uu miiska saaran yahay muddo kororsi cusub iyo wax ka bedel ka qorsheynayo in lagu sameeyo dastuurka.

Hoos ka daawo Jeesow