Daawo: Xildhibaan Maxamed Buraale oo si adag ugu jawaabay Yuusuf Dabageed

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda Hiiraan ayaa maanta si adag ugu jawaabay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed oo eedeeyay xildhibaanada metela gobolka.

Buraale oo wareysi bixiyay ayaa tilmaamay in Dabageed uu yahay nin iska hadlay, balse aysan ka yeelin doonin in isaga Cali Guudlaawe ay ku ciyaaraan reer Hirran.

“Dabageed waa nin iska hadlay oo sida uu rabo isaga hadlo dadka reer Hiiraan waxa baaba’shay waaa Yuusuf Dabageed iyo kuwa lamid ah, laakiin wax dambe oo ay ku ciyaaraan ma jiri doonto, ilaahow 5 kun qof may ku dhintaan” ayuu yiri Buraale.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Way ku hadli karaan waxa ay rabaan, laakiin dad dambe oo ay u taliyaan meeshaas uguma imaanayaan”.

Dhinaca kale xildhibaanka Maxamed Buraale oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in marka laga dhameeyo dastuurka xal laga gaari doono arrinta Hiiraan.

Waxaan rajeyneynaa marka dastuurka laga gudbo in siyaasadda soo kala jeedo iyo dhibka ka jiro gobolkeennii in xalkeeda la gaari doono” ayuu mar kaleyiri xildhibaanku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan madaxda HirShabelle ay weerar culus ku qaadeen xildhibaanada kasoo jeeda gobolka oo ay ku eedeeyeen inay kasoo horjeeda horumarka deegaankooda.

“Annaga waan ognahay in xildhibaanada laga soo doortay deegaanadan inay farqa dhagax ku wataan oo ay tuuryeynaan degmadii iyo deegaankii laga soo doortay ayna dhibaateeyaan, horumarkiina ay u diidaan” ayuu horay u yiri madaxweyne  Cali Guudlaawe.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay ““Waxaan leeyahay labada is haysato ka shaqeeya, sidii ay u heshiin lahaayeen, si horumar laga gaaro nabad-gelyada”.