Daawo:  Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo si adag ugu hadlay sharciga dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Muqdisho (Caasimada Online)- Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ah mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa codsaday in la dedejiyo sharciga dadka Soomaaliyeed ee baahiyaha gaar ah qaba, kaas oo hadii la meel mariyo wax badan u tari doonaa dadkaas.

Isagoo hadal ka jeedinayay fadhiga Baarlamanka ayuu xildhibaan Mustaf sheegay in aaney mudanayaashu badi ahmiyad siinin sharciyada noocaan ah.

Wuxuu 20% ku qiyaasay dadka Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba, isagoo xildhibaanada xasuusiyay xaaladihii liitay ee dalkeennu soo maray kuwaas oo sababay iney kordhaan dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mustaf Dhuxuloow oo isagu si shaqsi ah u caawiya ku dhowaad 100 caruur ah oo araga la’a ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan qeexeynin dhamaan baahiyaha dadkaasi qabaan, isagoo sidoo kale sheegay ineysan jirin wacyi galin badan.

Wuxuu xildhibaan Dhuxuloow u sheegay Baarlamanka 10aad in ay Taariikh wanaagsan ka tagi doonaan hadii ay meel mariyaan sharciyada dadka naafada ah kadibna ay u sameeyan hay’ad gaar ah oo howshaa qaabilsan, laakiin hadii ay meel cidlo ah uga tagaan wuxuu sheegay iney imaan doonto maalin arrintaas si gaar ah loogala xisaabtamo.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa ugu dambeyn mudanayaasha ka codsaday in la dedejiyo ka doodista iyo meel-marinta sharciga dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Hoos ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com