Daawo: Xildhibaan si adag ugu hadlay qiimaha guurka, gudniinka gabdhaha iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa dul istaagay qodob muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo qeexayay gudniinka fircooniga, soo riditaanka ilmaha iyo guurka.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in qodobka gudniinka dumarka ay haboon tahay in meesha laga saaro, gaar ahaan kan fircooniga ah, isaga oo dalbaday in dastuurka cusub uu qeexo qodobkaasi.

Cabdow ayaa sheegay in dastuurka cusub ee laga doodayo lagu qeexo qodobka ka hadlaayo soo riditaanka ilmaha, taasi beddelkeedana lagu soo daro dastuurka in la fududeeyo guurka oo qiimo jaban oo cayiman laga dhigo.

Sidoo kale wwaxa  tilmaamay in soo riditaanka ilmaha sababaha keena inay tahay labada qof marka la isku diido inay bannaanka iska doontaan, kadibna imaanayo ilmo, ilmihiina waxay noqonayaan in lasoo rido, taasina si aysan u dhicin wuxuu ku taliyay in guurka la fududeeyo oo qiimahana la dhimo, dadkana la isku ogolaado.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdow wuxuu ka hadlay gudniinka fircoonigaa ee dumarka la gudo, isagoo ku tilmaamay caado xun oo lagu lug goynayo ragga iyo dumarka loo gudo.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in baarlamaanka Soomaaliya uu qeexo, isla markaana sharci diidayo kasoo saaro.

“Xildhibaan baa yiri dad bey caado u tahay gudniinka fircooniga, caado fiican ma ahan xildhibaan Bidhaanoow,  dadka in la lug gooyo ma ahan in gabdhaha sunni ahaadaan ayaa muhiim ah, adduunyada inteey joogaan inay raaxeystaan oo la lug goyn ayaa rabnaa, arrintaasi in xal laga gaaro ayaan rabnaa” ayuu hadal jeedintiisa ku yiri Xildhibaanku.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdoow ayaa waxaa si weyn ugu fal celiyay dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay mudane u hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana uu mudan yahay in lagu taageero shaqadiisa.

Baarlamaanka ayaa kal hore la hor keenay sharciga jinsiga iyo arrimaha qoyska, hase ahaatee waxaa ka dhashay dood adag iyadoo xildhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin.