Daawo: Xildhibaano war ka soo saaray dilka Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka ku metela beesha ay u dhalatay Ikraan oo la hadashay TV-ga Universal ayaa sheegtay in marnaba aan lagu qanci karin warka ay hay’adda NISA ka sheegtay Ikraan Tahliil.

Xildhibaanada ayaa si adag uga digtay wada-shaqeyn ka dhaxeyn karta kooxda Al-Shabaab iyo NISA, maadama ay ku doodeyso in gabadha ay wateen qaar kamid ah hay’adda Nabadsugida, islamarkaana laga waday xayndaabka taliska.

“Ikraan meesha lagu waayey waa xarunta Nabadsugida dhexdeeda, meel uu qof geli karo maaha, meel uu Shabaab iyo wax u dhow tagi karaan maaha. Hay’adda Nabadsugida warka ay ka sheegen Radio Muqdisho wax aan ku qancayno ma ah,” ayey tiri.

“Haddii uu jiro heshiis ka dhaxeeya dowladda iyo Shabaab, ha naloo sheego baarlamaanka ayaa ka tirsanahay, waxaa leeyahay taliska nabadsugida oo ugu horeeyo Taliye Fahad Yaasiin adigaa lagu weydiinaya, dhiigeeduna waa ku daba-taagan-yahay , waxaana lagaa rabaa meesha aad ka bixisay.”

Sidoo kale waxay ka dalbatay ra’iisul wasaare Rooble inuu soo faro-geliyo arrintaan, islamarkaana ay mudan tahay in uu si dhab ah uga howl-galo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Hadalka Aamina ayaa waxa uu imanayaa waxyar un ka hor markii ay Al-Shabaab iska fogeysay dilka Ikraan oo ay sheegtay hay’adda Nabadsugida in ay u gacan gashay kooxdaas, kadibna ay dileen.

Hoos ka daawo xildhibaan Aamina