MAHAD SALAAD oo baaq culus u diray beesha Gaaljecel kadib dilkii IKRAAN TAHLIIL

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsi deg deg ah kasoo saaray fal ay ku dhaqaaqeen dhalinta beesha Gaaljecel, kaasi oo loogu aargudayo dilka Ikraan Tahliil oo la tuhunsan-yahay inay ku baxday gacanta NISA.

Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Cabdiqafaar Xaaji Cumar, oo ku beel ah Fahad Yaasiin, ayaa waxay dabley ka tirsan beesha Gaaljecel ay maanta ka afduubteen xaafada howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook oo ahaa Codsi si toos ah ugu socda beesha Gaaljecel, uga dalbaday inay ka hortagaan dhalinyarada la haybta ah ee la sheegayo inay dad ku qafaalanayaan magaalada Beledweyne.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dilka Ikraan uu dusha ka saaran yahay Fahad Yaasiin, oo aysan mas’uuliyada falkaas la wadaagin beeshiisa, isagana lagu ciqaabi doono oo maxkamad lasoo taagi doono, sida uu sheegay.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran

CODSI KU SOCDA BEESHA GAALJECEL‼️

Kiiska dilka Ikraan Tahliil wuxuu ku cadyahay Fahad Yaasiin, isaga ayaana loo ciqaabi doonaa inshaa’allaah. Waxa la ii sheegay inuu u cararay dalka Turkiga, halkaasna uu ku dhuumaalaysanayo laakiin lagama hari doono inshaa’allaah, ilaa maxkamad laga soo taagayo, lana marinayo ciqaab u dhiganta dambiga uu ka galay walaasheen Ikraan iyo qoyskeeda!.

Walaalaha reer Hiiraan gaar ahaan Beesha Gaaljecel waxaan ka codsanaynaa in ay ka hortagaan dhalinyarada la haybta ah ee la sheegayo in ay dad ka qafaalanayaan magaalada Baladweyne. Sababtoo ah dambigaan waxaa geystay qof ee qabiil ma galin. Isaga ayaana lagula xisaabtamayaa.

Ficillada nuucaan oo kale ah waxay naga marin habaabinayaan wadada aan ku socono ee Ikraan xaqeeda aan ku baadi goobeyno, sidoo kalena waxay naga sii jeedinaysaa indhaha shacabka Soomaaliyeed ee nala duuban si Ikraan cadaalad u hesho, dambiilihii ficilkaan foosha xun geystana gacanta lagu soo dhigayo!