Afduub ‘aargudasho ah’ oo la xiriira dilka Ikraan Tahliil oo maanta ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Dabley hubeysan oo ka gadoodsan dilka Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda nabadsugida ee NISA ayaa maanta magaalada Beledweyne ka sameeyey afduub aargudasho ah oo loo gaystay seddax wiil dhallinyaro ah, oo aan wax dambi ah galin.

Dhalinyarada oo lagu kala magacaabo Cabdullahi Xaaji Axmed Daahir, Maxamed Xasan Nuur Sheekh Cabdulqaadi iyo Cabdiqafaar Xaaji Cumar ayaa waxay dableydu ka afduubteen gudaha magaalada Beledweyne, waxayna soo bandhigeen muuqaal ay ka duubeen.

Ragga heysta dhalinyaradaas oo muuqaalka ka soo muuqday ayaa ku cel-celinaya in aysan wax dhib ah u geysan doonin, waxaana si weyn baraha bulshada ugu faafay muuqaalka ay dableydu kasoo duubeen seddax nin ee u afduuban.

Ragaan la afduubtay ayaa dhamaantood ka soo jeeda beesha taliyaha NISA Fahad Yaasiin ee Reer Aw-Xasan, gaar ahaan reer Aw-Mahdi, sida ay ku sheegayaan muuqaalka laga soo duubay, iyagoo hal qol ku wada sugan.

Dableydan ayaa sheegay inay muddo ka warsugayeen xaalada Ikraan, kadibna markii ay xalay shaacisay NISA geerideeda iyo inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, ay ka aarsan doonaan jifada Taliyaha NISA, sida ay sheegeen.

Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisada ka dhalatay dilka Ikraan oo hay’adda nabadsugida ee NISA ay sheegtay inay dishay Al-Shabaab, hase yeeshe sarkaal u hadlay kooxdaas ayaa iska fogeeyen dilka gabadhaas, oo sida uu sheegay laga been abuurtay.

Falka lagula kacay dhalinyaradaas ayaa ah mid aad u xun, waxaana jirta cabsi laga qabo inuu albaabka u furo dhib loo gaysto dad aan waxba galabsan, oo loo waxyeeleynayo dhibaato lagu tuhmayo shaqsiyaad ka tirsan dowladda.