Al-Shabab oo iska fogeysay dilka IKRAAN TAHLIIL (Aqriso war kulul oo kasoo baxay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa isku fogeysay inay wax lug ah ku leedahay dilka loo gaystay Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu eedeeyey inay dilkeen.

NISA ayaa qoraal xalay lagu baahiyey warbaahinta dowladda ku tiri ““HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.”

Hase yeeshee, qoraal maanta kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey warbaahinta kooxda,  ayey ku sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn afduubka iyo dilka Ikraan.

“Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay’adda NISA, la-yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowladda nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay,” sidaas waxaa yiri mas’uul u hadlay Al-Shabaab oo warkiisa ay baahisay warbaahinta kooxda.

“Anagu waan beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay’adda sirdoonka oo bartilmaameed ayey inoo yihiin waana sheegannaa dilkooda oo cid aan uga heebeysano ma jirto laakiin gabadhaas afduubkeeda iyo dilkeeda wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto,” ayuu yiri.

Al-Shabaab sheegtay in xaaladda NISA ay maanta mareyso inay ayaga dhexdooda is-dilaan, sida ay qoraalka u dhigeen.

“Haddii shaley dadka muslimiinta ay raafayeen oo xabsiyada ka buuxinayeen, qaarna si bareera u dilayeen, maantana waxaad aragtaan in xitaa kuwii iyaga dad ugu dhawaa ee u shaqeynayey ay kusoo jeesteen oo inta afduubtaan dilaan hadana ehelladii dadkaas ku jeesjeesaan. Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay ubadkiina ka ilaaliya inay u shaqeeyaan maamulada noocaas ah,” ayuu yiri.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa horey u sheegtay in Al-Shabaab aysan dilin gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax, oo la la’aa tan iyo 26-kii June.

“Wax ka jira ma lahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn. Gabadhii laga qaaday guri ku ag yaalla xarunta NISA, ayagaiina bad-qabaan, ayadiina waa la qaaday la leeyahay, wax ka jira ma lahan. Shabaab beri ayuu ka yahay arrintaas,” ayey tiri hooyo Qaali.

“Shabaab waa ay ka hadli doonaan wayna beenin doonnaa, horeyna way uga hadleen. Wax ka jira ma lahan, hadda ay rabaan inay gabadheeda dilaan ama horey ayey u dileen. Bidix iyo midig meel uma dhaafto Fahad Yaasiin.”