Cumar Cabdirashiid oo R/W Rooble usoo jeediyey arrin la xiriirta dilka IKRAAN Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay warkii Xalay kasoo baxay Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ee ahaa in Ikraan Tahliil ay ku baxday gacanta Ururka Al-Shabaab.

NISA ayaa xalay qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ku tiri “HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.”

Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan oo ka sal-gaara dilkii loo geystay Ikraan Tahliil Faarax.

“Waa war aad looga naxo inaan maqalnay dilka Ikram Tahliil. Allah ha u naxariisto oo ha siiyo Jannah fardowsa,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Cumar Cabdirashiid.

“Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddi ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loona xiksaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon,” ayuu sii raaciyey.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ku gacan seertay warka kasoo yeeray hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ee ah in kooxda Al-Shabaab ay dileen gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax, oo la la’aa tan iyo 26-kii June.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay NISA, oo ay gabadheeda ku tuhmeyso hay’adda sirdoonka qaranka, gaar ahaan taliye Fahad Yaasiin.

“Wax ka jira ma lahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn. Gabadhii laga qaaday guri ku ag yaalla xarunta NISA, ayagaiina bad-qabaan, ayadiina waa la qaaday la leeyahay, wax ka jira ma lahan. Shabaab beri ayuu ka yahay arrintaas,” ayey tiri.

“Shabaab waa ay ka hadli doonaan wayna beenin doonnaa, horeyna way uga hadleen. Wax ka jira ma lahan, hadda ay rabaan inay gabadheeda dilaan ama horey ayey u dileen. Bidix iyo midig meel uma dhaafto Fahad Yaasiin.”