IMAARAADKA oo qaaday tallaabo wax u dhimeysa madax-banaanida Somalia

Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markale qaaday tallaabo loo arko karo inay Somaliland u aqoonsan-tahay dal madax-banaan, kadib markii uu dhawaan soo saaray liis uu ku xusay dalalka uu dib ugu ogolaaday inay u safraan dalkiisa.

Imaaraadka ayaa dib u bilowday 30-ka bishii hore August, 2021 bixinta fiisooyinka dadka dalalka kale ku nool ee raba inay u safraan ama u dalxiis tagaan dalkaas, waxaan kasoo muuqday liiskaas Somaliland iyo Soomaaliya oo labo dal loo kala saaray, iyo dalal kale oo aad u badan.

Wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo gaabiyo WAM, ayaa baahisay in shuruudaha laga rabo dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ay kamid tahay in hore u qaateen tallaalka difaaca u ah ee cudurka Covid-19 ee ay aqoonsan tahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

“Waxay qeyb ka tahay tani Istaraatiijiyadda dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro dheelli-tirka caafimaadka dadweynaha iyo taageerada dedaallada qaran ee lagu gaarayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale.”

Sidoo kale waa in ay sitaan dadkaasi Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaan-gelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo xaaladdooda caafimaad iyo waraaqaha aqoonsiga ee sheegaya inay tallaalan yihiin.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee dowladda Imaaraadka ay sidii dal madax-banaan ula dhaqanto Somaliland oo ayadu ku dooda inaysan qeyb ka aheyn Soomaaliya, midaasi oo bahdil iyo xad-gudub ku ah dowladda federaalka Soomaaliya.