Wasiirkee leh Isbitaallada Jaziira iyo Yardimeli, maxayse isku hayaan Cumar Filish?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muuqata inuu dagaal ganacsi ka dhax billowday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish. 

Dagaalka ganacsi ee labadaan masuul ayaa soo ifbaxay Arbacadii markii saacado gudahood ay soo saareen laba amar oo iska soo horjeeda, kuwaas oo aysan dad badan fahmin xiriirka ka dhaxeeya. 

Wasaaradda Waxbarashada ayaa Arbacadii soo saartay in ay bixin doonto warqadaha badalashada ardayda ka baxaya Iskuul ee galaya mid kale, iyadoo ka jawaabeysa cabasho ka timid ardayda, waalidiinta iyo maamullada Iskuullada. 

Sidoo kale Wasaaradda ayaa hore u sheegtay in ay dib usoo ceshaneyso maamulka 24 Iskuul oo danguud ah oo la hoos geeyay maamulka Gobalka Banaadir, kadib markii maamulka Gobalka uu bixin waayay mushaarka macallimiinta. 

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka jawaabaya go’aanadaas ayaa isagana isla Arbacadii ammar duldhigay Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, iyadoo lagu amray in muddo 7 maalmood ku wareejiyaan maamulka Isbitaalka. 

Labadaan Isbitaal waxay hoos tagaan Hay’adda Manhal oo ay saami ku yihiin Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab iyo shaqsiyaad Turkish ah. Sidoo kale xogaha qaar ayaa sheegaya in wasiirka Waxbarashada uu hantida ugu badan ee Hay’adda Manhal leeyahay,  waana sababta uu gobalka Banaadir u beegsaday labadaas Isbitaal. 

Waxaa hadda socda dadaalo lagu dhameynayo xiisada u dhaxeysa labadaan xarumood ee Wasaaradda iyo Gobalka Banaadir. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa miisaaniyad gaar ah ku qaata Waxbarashada Gobalka Banaadir inkastoo aan mushaar la siinin Macallimiinta ka shaqeeya Iskuulada la hoos geeyay Gobalka bilaha qaarkood.