Laamaha amniga oo qabtay nin iibinayey hilib waraabe

Qoryooleey (Caasimada Online) – Laamaha Amniga Degmada Qoryooleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgal ay sameeyeen ay  gacanta ku dhigeen Nin Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa degmadaas si qarsoodi ah, iyaga oo ku dhex qariyay Hilbka Xoolaha.

Qabashada Ninkaan ayaa timid kaddib markii Ciidamo howlgallo ka waday Degmada Qoryooley uu ka dul dhacay Ninkaan oo magaciisa ay qariyeen Hay’adaha Amniga sabab la xiriirta baaristiisa oo aan soo dhammaan.

“Ciidanka oo howlgal wado ayaa qabtay jawaanno (Loorar) lagu soo riday Hilibka Waraabaha oo duurka lagu soo gowracay, hay’adaha ammaanka waxa ay gacanta ku hayaan Ninkii waday oo wajahaya Baaris guud” ayuu yiri Cali Maxamed Aadan Taliyaha Booliiska Degmada Qoryooley.

Ninka lagu qabtay isagoo iibinayo Hilibka Waraabaha ayaa laamaha Amniga u sheegay in ka ganacsiga Hilibka Waraabaha qoryooley uu mooday in ay bannaan tahay sidaasna uu mar kasta uga ganacsan jiray.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Qoryooley waxa uu sheegay in Ciidamada ammaanka in ay wadaan baaris dheeraad ah si ay wax uga qabtaan in suuqyada Hilibka lagu iibiyo la geeyo Waraabaha.

Dadweynaha kunool degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u hadal haayay Hilibka Waraabaha oo lagu iibinayay Kawaanka degmada, iyaga oo shaki weyn muujiyay.

Sheekh Umul oo ka tirsan Culumada Soomaalida ee ku nool wadanka Kenya ayaa horey u sheegay in cunista Hilibka Waraabaha uu yahay mid bannaan inkastoo ay arrintaas si weyn uga hor imaadeyn guud ahaan culumada Soomaalida.