Wareysi: Hooyo Qaali oo ka hadashay warka NISA ee ah in Shabaab ay dileen Ikraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa ku gacan seertay warka kasoo yeeray hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ee ah in kooxda Al-Shabaab ay dileen gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax, oo la la’aa tan iyo 26-kii June.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay inaysan waxba ka jirin warka kasoo baxay NISA, oo ay gabadheeda ku tuhmeyso hay’adda sirdoonka qaranka, gaar ahaan taliye Fahad Yaasiin.

“Wax ka jira ma lahan, waa been aan sal iyo raad toona laheyn. Gabadhii laga qaaday guri ku ag yaalla xarunta NISA, ayagaiina bad-qabaan, ayadiina waa la qaaday la leeyahay, wax ka jira ma lahan. Shabaab beri ayuu ka yahay arrintaas,” ayey tiri.

“Shabaab waa ay ka hadli doonaan wayna beenin doonnaa, horeyna way uga hadleen. Wax ka jira ma lahan, hadda ay rabaan inay gabadheeda dilaan ama horey ayey u dileen. Bidix iyo midig meel uma dhaafto Fahad Yaasiin.”

Hooyo Qaali Guhaad ayaa sheegtay inaysan Soomaaliya cadaalad ka jirin.

“Gabadheeda sidee ayey ku tagtay Dhoobley, ma diyaarad ayaa qaaday, side halkaas ku tagtay. Shabaab berri ayey ka yihiin, horeyna website-yadooda ayey ugu soo qoreen, wax shaqo ah kuma lahan” ayey tiri hooyo Qaali.

Hooyo Qaali, oo la weydiiyey sida ay ku ogaatay in Al-Shabaab aysan ku lug laheyn arrintan, ayaa sheegtay inay xiriiro la sameeyeen dad ehel la ah gabadha oo ku jira kooxdan.

“Gabadheyda dafo ma dafin, gaarigii qaaday waa gaariga Kulane Jiis, darawalka Kulane Jiis ayaa qaaday, Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin ayaana loo geeyey gabadhaas, dadka caqliga saaxiibka u ahna waa ogyihiin,” ayey tiri. 

Hoos ka dhageyso wareysiga hooyo Qaali