Midowga Musharaxiinta oo saddex qoddob oo culus ka soo saaray dilka Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa goordhoweyd bayaan kasoo saaray dilka Ikraan Tahliil oo ay shaacisay hay’adda NISA, laguna sheegay in uu Golaha ku qancin qaabka loo shaaciyey geerideeda.

Golaha ayaa ugu horeyntii qoyskeeda iyo umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Ikraan Tahliil, ayaga oo nasiib darro ku tilmaamay in halka ruuxeeda iyo raqdeeda lagu waayey ay tahay hay’adda Nabadsugida.

“Golaha Midowga Musharaxiinta kuma qancin qaabka loo baaray iyo sida loo soo bandhigay natiijada baaritaanka kiiska Ikraan. Waxaa kaloo garasho ku xadgudub ah in dambiga loo saariyo ururka argagixisada Al-Shabaab, iyadoo aan caddeymo lasoo bandhigin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha uu muddo ka digayay in NISA laga fogeeyo howlaha ka baxsan amniga, lana siyaasadeeyo.

“Hay’addu waxay ku eedeysan tahay abaabul shirqool siyaasadeed iyo in ay lug ku lahayd dhalinyaro loo qaaday dalka Eriteria lana tuhunsan yahay in ay dagaalka Itoobiya ka qeyb-galeen,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka dalbaday ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta in uu qaado 3 tallaabo oo xasaasi ah , kuwasi oo kala ah;

  1. In isbedel deg-deg ah lagu sameeyo hogaanka sare ee Hay’adda Nabadsugida, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.
  2. In loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan.
  3. In hay’adda loo magacaabo hogaan kalsoonida shacabka hanan kara.