Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Macawiisleyda beesha Duduble Ibraahim Qoobey ayaa ka warbixiyay howlgallo ay ka fuliyeen deegaano hoos taga Ceelbuur oo kooxda Al-Shabaab ay ku beegsadeen, isagoo qiray in dhankooda uu khasaare culus ka soo gaaray howlgalladii ay fuliyeen.
Qoobey ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa saldhig ay Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceelgaras, halkaas oo sida uu sheegay ay kala kulmeen dagaal culus oo sababay in ragoodii qaar la dilay, iyaguna ay Shabaab badan soo dileen.
Xogta ay howlgalkaas ka heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in beesha Duduble ay ku milantay kooxda Al-Shabaab, isla markaana ciidamada xaq u dirirka ah ee macawiisley ay mar kale galeen xaalad quus ah.
Hadaba sidey wax u dhaceen?
Habeenkii Axada rag aad u hubeysan oo macawiisleyda beesha Duduble ka tirsan oo 15 nin ah ayaa howlgal u aaday gudaha Al-Shabaab, bartilmaameedkoodu wuxuu ahaa inay soo dilaan xubno sare oo Shabaab ah oo loogu sheegay inay joogeen deegaanka Ceelgaras oo dhaca inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, kaas oo 40 KM qiyaastii u jira Dhuusamareeb.
Macawiisleydii Duduble waxay xili habeen ah galeen Ceelgaras, waxay weerareen saldhigii loogu sheegay in ragaasi ay joogaan, balse iyaga ayaa dabin loo dhigay, waxaana dhinac kasta looga soo furay rasaas, halkaas waxaa looga dilay afar nin.
11 nin oo is difaacday, kana soo baxsatay goobtii lagu shir-qoolay ayaa labo jeer oo kale jidka loo galay, waxaana laga sii dilay rag kale, ugu dambeyntii rag tiro yar oo qaarkood hubkii tuuray ayaa ku laabtay Dhuusamareeb, waxaana halkaas ka dhacay shir-qool ka duwan kii ay qorsheeyeen raggaan xaq u dirirka ah.
Al-Shabaab dhankooda khasaare culus ayaa ka soo gaaray dhowrkii goobood ee la isku fara saaray, balse waxay gudaha magaalada Ceelgaras ku soo bandhigeen meydadka afar kamid ah mujaahidiintii xaq u dirirka aheyd ee beesha Duduble.
Hadaba yaa laga shakiyey?
Markii ragga weerarka fuliyey ay ka baxayeen xerada, waxay uga tageen rag kale oo ka tirsan macawiisleyda beesha Duduble ee Dhuusamareeb degan, waxaa jira rag laga shakisan yahay inay bixiyeen xogta ciidankii howlgalka aaday.
Shakiga waxaa abuuray qorshaha Al-Shabaab ee loo diyaariyey raggii weerarka fuliyey, marka koowaad waxaa loo baneeyey goobtii ay bartilmaameedsanayeen, marka xigta waxaa si horay loo sii qorsheeyey loo soo weeraray markii ay rideen inta badan rasaastii ay wateen, mar kale ayaa hadana loo dhigay labo jid-gooyo, laakiin ragga qaar waa badbaadeen oo waxay ku laabteen Dhuusamareeb, qaarna waa la dilay.
Ilo wareedyo amni ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in habeeno ka hor intii aan la qaadin howlgalkaan guul dareystay ay Ciidamada NISA ee Dhuusamareeb degan ay tageen taliska Macawiisleyda beesha Duduble, halkaas oo ay ka soo wateen labo nin oo looga shakisan yahay inay xiriir ama wada shaqeyn la leeyihiin Al-Shabaab.
Hoos ka daawo faahfaahinta Ibraahim Qoobey, taliyaha macawiisleyda Duduble.