Daawo: Yariisow oo hees qaadaya maalmo kaddib xasuuqii dadka Muqdisho

Jabuuti (Caasimada Online) – Muuqaalo lagu baahiyey internet-ka ayaa muujinaya duqa magaalada Muqdisho Injineer Yariisow, oo ka heesaya kana cayaaraya xaflad dhowr habeen ka hor lagu qabtay magaalada Jabuuti.

Yariisow ayaa la arkayey isaga oo ku cayaaraya kuna luuqeeynaya heesta Doon baa mareyso, ee uu horey u qaadi jira Cabdullaahi Sulfa. Heesta ayaa waxaa marka hore billaabaya fanaan kale, hase yeeshee markii ay cabaar socotay ayaa waxaa kala wareegaya Yariisow oo heesta qaaday.

Yariisow ayaa dhowr maalmood u joogay dalka Jabuuti ka qeyb-galka shirka duq magaalooyinka Islaamka, oo halkaas ka dhacay.

Heestan ayaa la rumeysan yahay inuu Yariisow qaaday laba ama saddex maalin kadib weerarkii Jimcihii lagu qaaday hotel-ka Saxafi ee magaalada Muqdisho, oo lagu dilay ku dhowaad 40 qof oo shacab ah.

Inta badan madaxda dunida ayaa markii ay dhibaato ka dhacdo goobaha ay ka taliyaan lagu yaqaan inay soo gaabiyaan safarkooda oo ay deg deg usoo laabtaan.

Dad badan ayaa arrin aan wanaagsaneyn ku tilmaamay in duqa Muqdisho uu hees iyo baashaal ku jiro, intii uu muujin laha damqasho oo murugada iyo tacsida la qeybsan lahaa dadka lagu xasuuqa magaalada uu ka taliyo ee Muqdisho.