Doorashada K/Galbeed oo dib loo dhigay iyo waqti cusub oo lagu dhawaaqay

Baydhabo (Caasimadda Online) – Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kulan ku yeeshay Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyaga oo ku iclaamiyay waqtiga ay dhaceyso doorashada.

Xubnaha Guddiga doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in 20 Xubnood oo ka joogta Guddiga ay 15 ka mid ah isla garteen in doorashada dib loo dhigo muddo labo todobaad ah.

Guddigu ma sheegin maalinta ay dhaceyso doorashada waxaana ay sheegeen in labo todobaad kaddib go’aan laga gaarayo.

Doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed ayaa lagu waday in ay dhacdo Sabtiga soo socda ee 17ka Bishan laakiin maanta ayaa lagu dhawaaqay dib u dhigiddeeda.

Arrintan ayaa salka ku heysa khilaaf Guddiga doorashada kala dhexgalay oo sababay in ay qaarkood is casilaan,waxaana hakad galay jadwalka iyo habraacii doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com