Midowga Yurub oo war ka soo saaray is-beddelka ka socda Geeska Africa

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa si weyn ula dhacay isbadalka geeska Africa oo ay hormuudka u yihiin dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia, waxaana ay sheegeen inay fursad wanaagsan u tahay dadka ku nool gobolka.

Kulamadii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay madaxda Ethiopia, Somalia iyo Eritrea oo ay ka dambeysay ka qaadistii Cunuqabateynta ee Eritrea ayaa la sheegay inay tahay fursad aan horey loo arag oo dadka Bariga Africa ay heleen.

Arintan ayaa la sheegay inay horseedi doonto dib u heshiisiin iyo isdhexgal dhaqaale oo ay sameeyaan dhamaan dalalka Bariga Africa, sida lagu sheegay warbixin Midowga Yurub ay soo saareen.

Hogaamiyaasha ayaa ka gudbay xiisadii hore iyo kala xerxernaantii dhexdooda aheyd, waxaana ay abuureen jawi cusub oo ay ku wada shaqeyn karaan dhamaan wadamada gobolka, ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Yurub.

Guulahaasi ayaa la sheegay inay barwaaqo u noqon doonaan wadamada gobolka, sida isdhexgal dhaqaale iyo in la abuuro kalsooni lagu keeni karo nabadgalyo u dhaxeyso bulshada gobolka.

“Midowga Yurub wuu og yahay faa’idooyinka iyo caqabadaha imaan kara, waxaana garab taaganahay inaan idinka taageerno qibrada xaaladan oo kale, waxaan ka fileynaa dhamaan dhinacyada inay taageeraan maalgashiga fursadan taariiqiga ah ee laga heli doono nabad galyo iyo barwaaqo gobolka Geeska africa ah”ayaa lagu yiri qoraalka midowga Yurub.

Dowladaha Somalia, Eritrea iyo Ethiopia ayaa horseeday hanaan isfaham oo caalamka dhan ay indhaha ku hayaan fursadaha ka imaan kara, haddii nabad galyo laga dareemo dalalka bariga Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com