Jabuuti oo si aan la fileyn uga hadashay xayiraddii laga qaaday dalka Eritrea

Jabuuti (Caasimadda Online) – Dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Qaramada Midoobay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba uga qaadday dalka Eritrea, tallaabadan ayaana dadka qaar ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama horay ay Jabuuti mowqif adag uga taagneyd arrintaas, kuna talineysay inaan Eritrea laga qaadin cunaqabateyntaas.

Labada dal ee Jabuuti iyo Eritrea oo daris ah ayaa in muddo ahba isku mari la’aa muran salka ku haya xuduudda, iyagoo ciidamadooda uu dagaal culus ku dhex maray xudduudda.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Eritrea laga qaado cunaqabateynta dhinacyada, taasoo ay horgeysay dowladda ingiriiska, Mareykankana uu ku taageeray.

Wuxuu dhanka kale goluhu ku baaqay in labada dal ay sii wadaan wada xaajoodyada ay ku xallinayaan khilaafaadkooda.

War murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Jabuuti oo uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu yiri “dowladda Jabuuti waxa ay soo dhaweyneysaa qaraarka Qaramada Midoobay ee uu tirsigiisu yahay 244 ee xallinta khilaafaadkii u dhexeeyay dowladaha Jabuuti iyo Eritrea”.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu qeexay sida ay Jabuuti diyaar ugu tahay xalka “waxaan aqbaleynaa go’aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadlayo oo ku aaddan dowladaha Eritrea iyo Jabuuti”.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com