Muqdisho (Caasimada Online) – Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaa caawa kacay dab saameeyey gooboo ganacsi oo halkaas ku yaalla.
Dabka ayaa qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka isgoyska, waxaana ku bas beelay dukaamo iyo carwooyin waa weyn oo ku yaalay halkaas.
Si rasmi ah looma oga sababta dhalisay dabkaas saameeyey dhowr dukaan.
Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in markii dambe lagu guuleystay in dabka la damiyo.
Gaadiidka dab-demiska ee maamulka gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu dabkaasi ka kacay ee isgoyska Banaadir, waxay shaqaalaha gobolka ee dab-demisku ku guuleysteen demintiisa.