Dab ka kacay warshad oo caawa kusii fidaya suuqa ku yaalla duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaan Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo dhaca duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in warshad biyaha sifeysa oo ku taalla halkaas uu dab qabsaday.

Dabkan ayaa kacay saacad ka hor waxuuna ku sii fidayaa dhismayaal kale oo ku dhawaa wershadda, sida uu Caasimada Online u sheegay qof ka mid ah dadka ku howlan deminta dabkaas.

Gaadiidka dab-damiska dowladda hoose ee gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta gubaneysa, kuwaas oo ku howlan daminta dabkaas, waxaana aad cariiri u ah halka uu ku yaallo dhismaha warshada gubaneysa, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Baqdin xoog leh oo ku aadan in dabkaasi ku fido ayaa soo wahday dhamaan dadkii goobka ganacsi ku lahaa suuqa Tabeellaha Sheekh Ibraahim, kuwaas oo laabahooda hadda ka raranaya suuqa.

Sidoo kale waxaa babaneysa dabeyl xoog leh, taas oo fududeysay in dabku kuwada fido dhismaha warshadda iyo dhismayaal kale oo kaabiga ku haya, waxaana la tacaalaya gaadiidka iyo shaqaalaha dab-damiska dowladda hoose ee Xamar.

Weli lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaas, waxaana ku gubtay dhamaan qalabkii warshadda oo aheyd nuuca sifeysa biyaha  muyasaxada ama caafiga.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online