Kulan xasaasi ah oo ka socda Mandhera iyo Jubaland oo sheegtay inay kusoo biireen ciidankii Gedo qaarkood

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay in kusoo biireen qaar ka mid ah ciidamadii ay dhawaan dowladda federaalku geysay gobolka Gedo, oo ka mid ah gobollada maamul ahaan hoos taga Jubaland.

Afhayeenka laamaha amniga Jubaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo u waramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay  in ciidamo iskugu jira militeri iyo boolis, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ku biireen maamulkooda Jubaland, kuwaas oo qeyb ka ahaa sida uu sheegay ciidamadii ay dowladda federaalka Muqdisho ka qaaday ee la geeyey magaalada Beled-Xaawo.

Afhayeenku ma shaacin tirada ciidamadaas uu sheegay in ay ku biireen maamulka Jubbaland, balse waxa uu balan qaaday in ay dib kasoo sheegi doonaan. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Jubaland.

Cabdinuur ayaa sheegay inay ciidamadan ay si gaar ah uga baxeen magaalooyinka Dolow iyo Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu ciidamadaas maanta ugu khudbeeyey duleedka magaalada Beled-Xaawo, sida uu yiri.

Sidoo kale afhayeenka laamaha amniga Jubaland Cabdinuur ayaa sheegay in ciidamadaas ay ku biireen ciidamada kale ee Jubaland oo uu sheegay in ay difaaac uga jiraan qeybo ka tirsan degmada Beled-Xaawo, halka dhinaca kalena ay uga suganyihiin ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan la geeyey gobolkaas.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Maxamuud Sayid Aadan ay halkaas ku leeyihiin kulamo ay uga arrinsanayaan culeysyada Jubaland kasoo wajahay gobolka Gedo iyo ciidamada ku biiray ee ka goostay maamulka Jubaland.

Dhinacyadan ayaa la sheegay inay ka fakarayaan tallaabooyinka ay qaadi karaan, xilli ay dadka iyo maamulka Mandhera dalbadeen in magaalada uu ka baxo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, dhinaca Beled-Xaawo ayaa waxaa si buuxda gacanta ugu haya dowladda, mana cadda halka ay aadi doonaan haddii ay ka baxaan Mandhera.