SOMALILAND oo gubtay xashiishad iyo Khamri ay howl-galo ku soo qabatay

Hargeysa (Caasimada Online) –  Ciidamada Soomaaliland ayaa howl-galo ay sameeyen gacanta ku soo dhigay Khamri iyo Xashiishad badan, oo laga soo galinayey xadka ay la wadaagaan Itoobiya.

Ciidamada ayaa saaka Khamrigaasi iyo Xashiishadaba ku gubay goob fagaare ah oo ku yaala gudaha magaalada Wajaale, halkaasi oo ay ku sugnaayeen boqolaal kamid ah dadweynaha magaaladu.

Maandooriyeyaasha ay maanta gubeen ciidamadu ayaa lagu soo qabtay ilaa Lix qof, kuwaasi oo Maxkamada gobolka Gabiley ay ku xukuntay xadhig dhan shano sanno.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Wajaale, oo ku sugnaa goobta lagu gubayey Maandooriyeyaashi ayaa dadweynaha ugu baaqay inay kala qeyb qaataan howl-galada ka dhanka ah Maandooriyaha.

Xukuumada Somaliland ayaa mudooyinkii dambe dagaal adag kula jirtay Maandooriyaha ay kamidka yihiin Khamriga iyo Xashiishadu, oo gebi ahaanba ka mamnuuc ah in lagaga ganacsado deegaanadeeda.