MUSUQ-MAASUQA iyo kastamyada dawladda

Avatar

Kastamyadu badanka waa haayad madaxbanaan (authority Agency) ama waa waax (department) hoos timaada Waasaradda Maaliyadda/Dakhliga/Ganacsiga. Kastamyadu waxa ay maamulaan isu socodka alaabaha iskaga gudbaya dalalka caalamka, hadii ay soo degayaan (Import), dhoofayaan (export) ama ay gudbayaan (transit). Kastamyadu taariikh ahaan waa haayadaha ugu da’weeyn ee ay dawladuhu leeyihiin, dawlad kastena waxa ay ugu jiraan kaalin muhiim ah, marka loo eego shaqooyinka ay qabtaan culeeyskooga iyo muhiimadooda.

Waajibaadka kastamyadu ay dal-kaste u hayaan waxa ka mid ah;

  • Ilaalinta amniga dalka, deegaanka iyo dadkaba.
  • Fullinta sharciyada iyo habraacyada (procedures) kastamyada ee dalka u dejisan.
  • Dakhli abuur ama dakhli soo saaris.
  • Hubinta bad-qabka alaabta dalka soo galaaysa.
  • Fududeeynta isu socodka ganacsiga (Trade Faciliation).
  • Ilaalinta wax-soosaarka dalka (warshadaha iyo beeraha).
  • Ka hor-toga iyo la-dagaalanka alaabta sharcidarada ah (contraband).
  • Joojinta alaabaha la mamnuucay (prohibited goods) in ay dalka soo galaan.
  • La socodka iyo hubinta alaabaha la xadiday (restriction goods) tirada iyo tayada dalka soo gali karta.
  • Ururinta iyo keeydinta xogta ganacsiga.

Musuqa ama wax is-dabomarintuna, waa iyadoo awooda ama masuuliyadda uu qofku hayo uga faai’idaaysto in uu dhaafsado laaluush, dano shaqsiyadeed ama dano siyaasadeed. Maadaama uu markaste musuqu u dhaxeeyo labo daraf, musaqa kastamyada ka dhacaana wuxu u dhaxeeyaa madaxda ama shaqaalaha kastamka iyo ganacsatada ama wakiilada ganacsatada (clearance agencies). Si kaste ha ahaatee, kastamyadu waxa ay ka mid yihiin, meelaha la isla qirsanyahay ee aan laga murmi karin in musuq ka dhaco dunida oo dhan, sababta oo ah, waxa si fool ka fool ah u kulma ganacsatada iyo saraakiisha kastamyada, waxana kastamyada lagu tilmaamaa haayaddaha ama waaxyaha ugu musuqa badan ee ay dawladdi leedahay, musuqa iyo wax is-dabomarinta ka dhacdana waxa la dhaafsadaa laaluush, dano shaqsiyadeed iyo kuwa siyaasadeed.

Hadaba musuqa ugu badan ee kastamyada ka dhaca waxa ka mid ah;

  • Lunsi cashuureed: waxa si aan sharciga waafaqsaneeyn alaab looga dhimaa ama looga dhaafaa cashuur ku waajibatay.
  • Aqballidda waraaqo been abuur ah: kuwaas oo laga dhigayo, kuwa rasmi ah, oo sharci ah.
  • Sii deynta alaab ka mamnuuc ah in ay dalka soo gasho: alaabtaas oo amaanka dalka, bad-qabka deegaanka, caafimaadka dadka ama wax-soosaarka dalka dhib u geeysan karta.
  • Cashuur ka dhimis: in cashuurta laga dhimo alaab la rabo in ay la tartanto wax-soosaarka dalka, taasi oo sharciguna ku waajibiyey cashuur badan, si loo xadido soo dhoofinteeda.
  • Fududeynta koontarabaanka: waxa alaab dalka loo soo galiyaa si sharciga aan waafaqasaneyn, iyadoo aan kastamka la soo marin, saraakiisha kastamyaduna iska indho-tiraan.

Si kastaba ha ahaatee, musuqmaasuqa iyo wax is dabo-marinta ka dhacda kastamyadu, waxa ay liidaan ama ay daciifiyaan maamulka iyo awooda kastamyada, taasi oo marka danbe saameeyn toos ah ku yeelata amaanka, caafimaadka iyo badqabka dadka, dalka iyo deegaankaba, maadaama ay si fudud uga gudbi karaan waxyaabo iyo alaab aad u khatar badan. Waxa intaa dheer musaqa ka dhaca kastamyada waxa uu hoos u dhigaa wax-soosaarka dalka, maadaama ay si fudud uga soo gudbi karaan alaab la tartanta wax-soosaarka warshadaha iyo beeraha dalka, taasi oo daciifinaysa, niyad-jabna ku abuuraysa beeraleyda iyo warshadleyda dalka. Hadaba, musuqa iyo wax is-dabomarintu badanaa waxa ay dhacaan;

  • Marka sharciyada lagu shaqeeynayo ay yihiin kuwo fahamkoodu aad u adagyahay, sidoo kalena ay yihiin kuwa aan daah-furneyn (transparent).
  • Marka hab-raacyada la maraayo ay yihiin kuwa badan oo aan koobneeyn.
  • Marka canshuuraha ku dhacaya alaabtu ay yihiin kuwa qaali ah.
  • Marka maamulka kastamyadu ay yihiin kuwa jilicsan, maamul ahaan iyo awood ahaanba.
  • Marka isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta shaqadu ay tahay mid daciif ah.

Badanaa ganacsatada waxa ka dhaxeeya tartan joogta ah oo xalka suuqa ah, ujeedkooda u weeynina waa in ay suuqa keenaan alaab jaban, sidaa darteed waxa ay laaluush ku bixiyaan in alaabtooda qiime jaban lagu cashuuro. dhanka-kalena, maadaama ay ku tartamayaan in mid kaste alaabtiisu suuqa hor-gaadho, waxa ay laaluush ku bixiyaan, in sida ugu dhakhsaha badan loogu dedejiyo la bixitaanka alaabtooda, si ay alaabtoodu suuqa u hor-gaadho, indhaha macaamiisha suuquna alaabtooda u hor-qabato. Waxaa kale oo jirta, in wakiilada ganacsatada alaabta u saarta ay laaluush ku bixiyaan, in alaabta ay cashuurayaan qiime jaban ku cashuuraan, iyo weliba in si degdeg ah loogu saaro, si ay u kasbadaan ganacsato kale oo ay wakiil u noqdaan.

Si kaste oo ay tahayba, waxa la isku raacsanyahay oo ay u badantahayna in maamulka kastamku suurta-galiyo in musuqmaasuq ama wax is-dabomarin dhacdo. Sababtoo ah, badanka ganacsatada iyo waakiladooduba waxa ay ku dedaalaan in ay xidhiidh toos ah iyo mid dadbanba la yeeshaan maamulka sare ama hor-joogayaasha (team leaders) kastamyada. Marka laga yimaad maamulka iyo hor-joogayaasha, waxa kale oo jira in shaqaale-hoosaadku xataa ay jecelyihiin marka ay alaab tirinayaan ama ay hubinayaan in ay aad u muujiyaan awoodooda shaqo, si ay u soo jiitaan una baqo-galiyaan ganacsatada ay ogyihiin in maamulka uu xidhiidh kala dhaxeeyo, si ay hadhoow go’aan iyo gorgortan ugu yeeshaan waxa ay ganacsatada iyo maamulka isla meel dhigi doonaan.

Marka intaa laga yimaad, waxa jira isku dayo badan oo ay dunidu kula dagaalanto musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta kastamyada. Waxa dhacda in mararka qaar kastamyadu ka hoos shaqeeyaan maamul adag, mararka qaarna kastamyadu waxa ay la kulmaan kor-joogteeyn iyo daba-gal adag. Hadana, musuqu meesha kama baxo, sababtoo ah musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta waxa sababa oo shidaaliya mushaharka yar ee ay qaataan shaqaalaha kastamku, marka loo fiiriyo shaqada ay qabtaan muhiimadeeda iyo dakhliga ay soo xareeyaan. Sidoo-kale, laaluush qaadashada waxa dhiirigaliya, kulanka fool ka foolka ah ee dhex mara ganacstada ama wakiiladooda iyo maamaulka ama shaqaalaha kastamka.

Si taas loo xaliyo, waxa ay wadamo badan kordhiyeen mushaharaadka shaqaalaha, maadama shaqaalaha kastamyadu yihiin, kuwa u adeega ganacsiga dalka soo galla ama ka baxa, ganacsigaas oo ah ka shidaaliya korniinka dhaqaalaha dal kaste. Sidoo-kalena, shaqaalaha kastamyadu ay yihiin kuwa soo saara dakhliga ugu badan ee ay dawladu ku shaqeeyso. Dhanka kalena, kastamyadu ay yihiin goobaha laga ilaaliyo wax-soosaarka dalka, bad-qabka dadka iyo deegaanka iyo weliba amaanka iyo deganaanshaha dalka. Dhinaca kale, wadamadaas badankoodu waxa ay xoojiyeen isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta shaqada kastamyada, si loo yareeyo ama meeshaba looga saaro fursada uu musuq ku dhici karo.

Inkaste oo heerkii musuqmaasuqa  kastamyadu hoos u dhac sameeyey, ma noqon mid meesha ka wada baxa. Si musuqa iyo wax is-dabomarinta meesha looga saaro, dunida badankeedu waxa ay dib u habeeyn iyo casriyeeyn (refom and moderanisation) ku sameeyeen kastamyada.

  1. Waxa lagu dedaalay in la fududeeyo fahamka sharciyadda iyo habraacyada kastamyada, iyaga oo laga dhigay kuwa daah-furan oo meel kaste laga heli karo, si qofku isagoo fahansan habraacyada uu marayo iyo waxa looga baahanyahay sharci ahaan kastamka u imaado. Intaa waxa dheer, in la koobay habraacyada la marayo, kuwaas oo awel ahaa kuwa badan.
  2. Waxa kastmyada lagu soo kordhiyey habraacyo la dagaalamaya musuqa, oo ay ka mid yihiin, in uu ganacsaduhu alaabta u soo dageysa nooceeda iyo tiradeedaba uu isagu soo gubiyo, kuna soo gudbiyo xaashida cadeeynta alaabta (Goods Declaration Form), tani waxa ay meesha ka saartay in laga been abuuro tirada iyo noocyada alaabta, maadaama ganacsatadu iyagu ay soo gudbinayaan, kastamkuna hubin doonno saxnimadeeda.
  3. Kastamyada waxa la dhigay kuwa ku shaqeeya hab casri ah, iyadoo la adeegsanayo technology (computerised online system), si loo yareeyo kulanka tooska ah ee u dhaxeeya ganacsatada iyo shaqaalaha kastamka. Tani waxa ay abuurtay in ganacsatada ama waakiiladoodu xaashida cadeynta alaabta ku soo gudbiyaan hab online ah, dabeedna la hubiyo saxnaanta warqada ay soo gudbiyeen iyo in ay isku jaan-go’anyihiin xogta uu soo gudbiyey iyo alaabtiisu, markaa dabeedna la qiimeeyo canshuurta ku waajibtay alaabta, iyada oo hab computerized ah loo adeegsanayo. Dabadeedna, canshuurta uu bixiyo.

Habkan dib u habeeynta iyo casriyeeyntu inkaste oo uu yahay mid lagula dagaalamayo musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta, sidoo-kalena waa hab lagu fududeeyo ganacsiga ka gudbaya kastamyada, iyadoo ay la bixintaanka alaabtu noqon doonto mid degdeg badan. Dhinaca-kalena, waa hab lagu kantaroolo laguna yareeyo khataraha kastamyada ka gudba.

In kaste oo musuqmaasuqa badankiisu meesha ka baxay. Hadana, dhibaatooyinka u waaweeyn ee ay kastamyadu ka cabanayaan lana kulmayaan weli waa wax is-dabomarinta ay shaqaalaha iyo ganacsatada ama wakiiladoodu sameeynayaan. Si caqabadaas meesha looga saaro, hada dunida badankeedu waxa ay bilowday, in si joogta ah loo kobciyo anshaxa (ethics) iyo xirfaddaha aqooneed (professionalism) ee shaqaalaha, iyada oo kobcinta xirfaddaha aqooneed ay yihiin daw/dariiq (means), halka anshuxu uu yahay ujeedka rasmiga ah (ends). Qof kastena, qofka uu ka anshax wanaagsanyahay lagu abaalmariyo gunno (bonnus) joogto ah iyo dalacsiin.

Somaliland, inkaste oo la curiyey sharci cusub (Sharciga Kastamyada No.73/2016) iyo habraacyo cusub oo lagu dhaqayo kastamyada, kuwaas oo nasakhaya meeshana ka saaraya sharcigii hore iyo habraacyadiisii (Sharciga Kastmayda No.91/1996 oo laga soo dheegtay Sharcigii iyo habraacyadii  Kastamyada ee No.1/1961/66). Sharcigan cusubi wuxu xambaarsanyahay, dariiqana u xaadhayaa casriyeeynta iyo dib u habeeynta kastamyada. Madaama, sharcigan iyo habraacyadiisu ay yihiin kuwa daah-furan oo uu qofkaste si fudud uga heli karo mareegta (website) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Laakiin waxa nasiib daro ah, in aan sharcigan iyo habraacyadiisaba aan weli lagu tabobarin badi madaxda, maamulka iyo shaqaalaha kastamyada, taasi oo ah caqabad wajahaysa sidii loo fulin lahaa shuruucda, habraacyada iyo ujeedooyinka ay xambaarsanyihiin.

Dhinaca-kale, kastamyada Somaliland badanaa waxa ay ku shaqeeyaan hab aan casri aheeyn, taasi oo joogteeynaysa kulamada fool ka fool ka ah ee u dhaxeeya maamulka ama shaqaalaha iyo ganacsatada ama waakiladoodaba. Intaas waxa dheer, musharaadka ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kastamku in ay yihiin kuwa aad u yar, marka loo eego shaqada ay qabtaan iyo dakhliga ay soo xareeyaan, taasina waxa ay sababayssa in uu kordho musuqa iyo wax is-dabomarinta  ka dhaca kastamyada Somaliland. Waxa kale oo iyaduna jirta, in badanka shaqaalaha iyo maamulka kastamyada Somaliland aan lagu xullan aqoonta iyo xirfaddaha ay u leeyihiin shaqada ay qabanayaan, taasna waxa sababay iyada oo markii horeba aan lagu shaqaaleeyn aqoonta ay u leeyihiin sida ay u shaqeeyaan kastamyada iyo ganacsiga caalamiga ahi. Sidoo-kalena, shaqaalaha badankoodu ma helaan tababaro dhaadheer (long period training), kuwaas oo kor loogu qaadayo xifadooda aqooneed (professionalism) iyo khibradooda shaqo ama kuwa gaagaaban (short period training) oo lagu kobcinayo xirfadooda shaqo, laguna korinayo anshaxooda shaqo.

Si kasteba ha ahaatee, musuqa kastamyadu wuxu dhib-weeyn ku hayaa, xataa wadamada horumaray, mana jiro caalamka dal ka fayoow wax is dabomarinta ka dhacda kastamyada. Sababtoo ah, kastamyada ayaa marka horeba ah kuwa u nugul in uu ka dhaco musuqmaasuq. Laakiin wadan kaste, wuxu ku dedaalayaa sidii uu aad ugu dhimi lahaa ama meeshaba uu uga saari lahaa. Isku soo wada duuboo, hababkan lagula dagaalamayo musuqa, waxa ay ina tusayaan, markaste oo kastamyada lagu sameeyo dib u habeeyn iyo casriyeeyn, iyada oo awoodana la saarayo kobcinta; aqoonta, xirfada iyo anshaxa shaqaalaha, ay tahay dariiqa iyo tabta ugu haboon ee lagu yareyn karo, laguna tirtiri karo musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta, kuwaas oo dhiigbax ku ah dakhliga dawladda, hoosna u dhigaya nidaamka dawladnimada iyo maamul wanaagga, sidoo-kalena khatar iyo dhibaatooyin u horseedaya dalka, dadka deegaanka iyo wax-soosaarka gudaha.

W/Q: Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Ibraahim
M.A in Customs Administration
cabdiraxmanmid@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid