Dabaysha Nabad iyo Nolol yaa ku bixi doona? (Aqri)

Dabeecadda aadanaha ayaa ah in uu hal wado ku yimaado aduunkan oo ah dhalashada, Hal wado oo kaliyana ayuu Aduunkan uga tagaa taas oo ah Dhimasha.Isbadalada yimaado maalin walba waxey  natusineysaa sida ay u cadahay qorshaha iyo hiigsiga miisaaska leh ee wax lagu hogaaminayo, taas oo macnaheedu tahay in aan fal walba oo dhacaya uu yahay mid si qorsheysan ku socda lagana daawan karo diiwaanka guud ,oo ay dheehan karaan dadka aqliga u saaxiibka ah.

Horaantii 2017 waxaa ay aheyd markii uu guga Roobka badan uu ka da’ay magaalada muqdishu, dadka oo dhanna ay u riyaaqeen, saxan saxadaas iyo Dabeyshaas qabow waxey laabyo badan oo dadka soomaaliyeed ah dareensiisay, raxmad  balaaran oo qaarkood ka ilmeysiisay, kuna dhawaaqeen *AR FARMAAJO II GEEYA*.

Soomaali badan oo dibadaha ku nool, waxey  daawanayeen Taleefishinada oo habeenkaas ahaa kuwo live ah, qaarkood waxaa ka qubanayey ilmo qaarna gacmaha ayey kor u taagayeen, ayagoo leh, Soomaali maanta ayey hagaagtay.

Maxamed Cabdullahi Maxamed (FARMAAJO) Waxa uu si geesinomo leh ku doortay  qofkii u qalmay in uu la shaqeeyo, dad badan oo soomaaliyeed ayaa falaqeyn ka dib , cadeeyey in uu madaxweynuhu  Doortay qofkii ku haboonaa booskaas, hadaba maxaa dhacay?

Xasan Cali Khayre, ayaa shaashadda ka soo muuqday, dadka badankiisu ma ay aqoon,waxa uu yahay, khibradiisu iyo kartida uu u leeyahay xilkan culus ee loo dhiibay, in kasta oo dadka qaarkood ay hayso caadifadda qabiika ay durba la soo kala boodeen, waa xun yahay iyo waa fiican yahay, hadana dadka indheer garatada ah ama aqliga u saaxiibka ah waxey isticmaalaan Halbeeg iyo cabir  lagu qadariyo shaqsi walba oo hogaamiye ah,taas oo ah labo arimood:

AMAANO, IYO ARAGTI FOG OO CILMIYEYSAN.

Sida uu noo Sheegay Nabi Yuusuf (csw) markii loo magacaabay Rasisulwasaaraha oo uu yiri (INII XAFIIDUN CALIIM).

Boqolkii maalmood ee ugu horeeyey Khayre wuxuu na tusay in uu yahay Hogaamiye, hal adag, hirgalin og,hoos u eega hadba marxalada la marayo, har iyo habeen u soo jeeda hir galinta, mashruuca ,aanan ku dhisneyn Naas nuujinta.

wuxuu doortay Garbihii uu ku duuli lahaa, golihiisa wasiirada, gacantiisa midigna wuxuu ka dhigtay ninka aanan ka dhicin ee Mr.Bayle, oo ah shaqsi  shaqdiisa yaqaan, hal abuur leh,Amaanadana dhowra.

Waxaa bilowday NABAD IYO NOLOL SPRING,waxaa la dajiyey qorshe sal balaaran leh, waxaa  bilowday in shaqaalihii rayadka ahaa la siiyo quutul daruurigii mar hore ka go’ay, ciidamadii bahalooway in la qarameeyo loona diyaariyo , hoy iyo hunguri ku filan, oo ay kaga maarmaan shaxaadkii iyo isbaarooyinkii, ,waxaa la dajiyey Nidaam la jaanqaadi karo dhamaan caalamka aan ku noolnahay, khaas ahaan Dowladaha dariska ku waas oo Soomaali gaarsiiyey meel aysan abid gaarin oo Gunnimo ah, sababteeduna ay lahaayeen Dad halyeeyo ah balse hunguriga iyo hogaanku uu ka saacid caleeyey.

Dabeyshan  Raxmadda leh ee xowliga ku socota waxey dad badan dareesiiyay,in la joogu xiligii uu daadan lahaa darbiyadii ay dhiseen injineerada aan  laheyn khibrad hogaamineed,ahaana kuwo gacmo ku rimis ah,Darbigii u weynaana ayaa soo  daatay 7.11.2018 sidii dhismihii *Ubaxa Kacaanka ee WARDHIIGLEY*.

Hadaba Akhriste ma la is oran karaa Dabeyshan socota waxey shabahdaa tii ARAB SPRING, oo la tagtay Rag badan oo waayo ku dalxiisi jiray Paris, Miami, iyo  waliba Jaziirada JAVA.

Anigu ma dhaleeceynayo dhamaan madaxdii soo martay wadanka qof aanan wax soo qaban ma jiro.

-Cabdiqaasim, Soomaaliya oo dunidu ka quusatay ayuu calankeenii UN ku soo celiyey.
-Cabdulaahi Yusuf Villa Somaliya Ayuu dowladnimadii keenay, waa talaabo kale.
-Sheekh Shariif sheekh axamed in Somaliya lasyku doorto ayuu keenay.
-Xasan sheekh maxamuud Maamuladii gobolada ayuu dhisay dowladnimdana meel buu gaarsiiyey.
-Maxamed Canbdullahi Farmaajo Dabeyshiisu caadi ma aha.Waa NABAD IYO NOLOL SPRING.

Waxa u dhiman iyo wax qabadkooda soo socda,..TIME WILL TELL.

W/Q: Eng. Bashir Hassan Farah
bashkaxaji@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid