Saddex qarax oo Muqdisho ruxay iyo hotel saxafi oo gudaha loo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qarax oo aad xooggan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah-fahainno horudhac ah.

Laba ka mid ah qaraxyada ayaa ahaa babauur ay wadeen rag ismiidaamiyey, waxaana ay ku kala qarxeen dibedda hotelka Hayat iyo meel u dhow xarunta dambi baarista CID-da ee agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qarax saddexaad ayaa waxa uu ka dhacay banaanka Hotel Saxafi.

Waxa socda dagaal xooggan, waxaana la xaqijiyey in qaar ka mid ah kooxda weerarka fulisay ay gudaha u galeen hotel saxafi oo halkaas ay dad ku dilayaan.

Dad hotelka ka shaqeeya ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday la dilay, balse weerarka ayaa weli socda.

Naga filo faahfaahin dheer ah, Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com