Turkey oo sheegay qorshe uu ciidamada Soomaaliya ka damacsan yahay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa shaacisay ujeedada guud ee ay ka leedahay tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qalabaynta ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Kulamo  u dhaxeeyay wasiirka gaashaandhiga dowladda Turkey iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo dhamaaday is afgarad, iyadoo kadib kulamo ay wada gaataan wasiirada gaashaandhiga labada dal, taliyaasha ciidamada labada iyo saraakiil kale oo wafdiga qeyb ka ahaa.

Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay Dowladda ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Wasiirka Gaashaandhigga Turkiya Mudane Hulusi Akar iyo wafdiga la socday booqashada ay Soomaaliya ku yimaadeen iyo sida ay u muujiyeen in ay mar walba diyaar u yihiin garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Turkey ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay ka damacsan yihiin inay noqdaan sidii ay ahaayeen barisimaadkii, isagoo sheegay in ciidamada xooga dalka ay ka taageeri doonaan sidii u hanan lahaayeen amaanka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com