Wararkii ugu dambeeyay doroashada K/Galbeed iyo shirar dhacay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka, ku simaha madaxweynaha iyo xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay wali wado faragelinta doorashada Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in xor laga dhigo dadka doorashada ka qeyb galaya.

Qaar kamid ah musharixiinta Koonfur Galbeed ayaa shalay dalbaday in dib loo dhigo doorashada, halka dowladda Soomaaliya ay dooneyso in waqti aan lagu darin doorashada Koonfur Galbeed, haddii lagu daranayana laga dhigo dhamaadka November.

Urur goboleedka IGAD ayaa ku biiray kulamada looga hadlayo doorashada Koonfur Galbeed, waxaana ay dalbadeen in laga shaqeeyo doorasho xor ah oo xalaal ah.

Xubnaha ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday Gudiga doorashadda in ay ka qabtaan doorasho Xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

Wali ma cadda waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Koonfur Galbeed, balse waxaa la qorsheynayaa in waqtigeeda aan laga dib dhigin doorashada Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com