Cabdi Iley oo maxkamad ka duwan kuwii hore ka soo muuqanaya maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta oo Jimco ah maxkamad kasoo muuqanayo madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmihii ugu dambeeyay maxkamadda la keenayay.

Ilo Madax banaan iyo Kooxda difaaceysa Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xaqiijiyay in maanka maxkamad lasoo taagayo madaxweynaha, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah laga gaaro Kiiskiisa.

Maxkamadda la geynayo Cabdi Maxamuud Cumar ayaa darajo ahaan ka duwan maxkamadihii la geeyay afartii jeer ee ugu dambeysay, waxaana la ogeyn go’aanka ay maanta ka qaadaneyso.

Iluhu waxay sheegayaan inay kaga duwanaanayso qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.

Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.

Go’aanka kasoo baxa maxkamadda maanta la horgeynayo Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa loo gudbin doonaa maxkamadii afartii jeer ee lasoo dhaafay la geeyay madaxweynihii hore ee DDSI.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com