Dowlad goboleedyada oo shan qodob kasoo saaray shirkii Kismaayo (Aqriso)

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii amniga ee wasiirada amniga Dowlad-goboleedyada dalka uga soo socday magaalada Kismaayo ayaa lasoo gaba-gabeeyey galabta waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban ilaa 5 qodob.

Shirka oo socday muddo labo cisho ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay waxaa kamid ahaa in Dowlad-goboleedyadu iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah, in hay’adaha sirdoonka ee Dowlad-goboleedyada ay yeeshaan wada shaqeyn joogto ah, in la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo ay leeyihiin Dowlad-goboleedyada kaas oo shirka lagu go’aamiyey tiradiisa, qaabka ay u howlgelayaan iyo goobaha ay ka howlgelayaan.

Sidoo kale qodobada shirka kasoo baxay waxaa kamid ahaa sameynta qorshe amni oo saldhig u ah la dagaalanka cadowga umadda Soomaaliyeed.

Baaq ku aadan taageerada dagaalanka kooxaha argagixisada oo loo diray shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ayaa qayb ka ahaa qodobada kasoo baxay shirka.

Ujeedada shirka ay isugu yimaadeen wasiirada amniga ee Dowlad-goboleedyada ayaa la xiriirta go’aanadii shirka Garoowe, oo ay ka mid ahayd in mamaul goboleedyada ay yeeshaan ciidamo isku dhaf ah.