Daciifnimada Xasan: Gaas oo mar kale bah-dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Aqalka dalka looga arimiyo ayaa sheegaya in Madaxtooyada lagu arkay Ciidamo ku hubeysan hubka fudfudud, oo aan ahayn kuwa dowladda Somalia.

Ciidamadaasi ayaa waxaa watay C/weli Gaas, oo isku sheegay in toban askari oo Garoowe laga keenay ay ku bad-baadin karaan Xamar, haddii lagu weeraro.

C/weli Gaas, ayaa la sheegayaa inuu diiday in banaanka sare looga reebo Ciidamada uu watay, kuwaasi oo wareegayey qeybo kamid ah Madaxtooyada si ay u sugaan amaankiisa, sida la sheegay.

Talaabadaani ayaa waxa ay sumcad darro ku tahay Dowlada Somalia, waana astaan kale oo muujineysa daciifnimada iyo dadnimo xumada Xasan Sheekh, oo mar walba lagu bah-dilo siyaasadda Soomaaliya.

Xaqiiqda jirta ayaa ah in 10 askari oo Garoowe laga soo kaxeeyey aysan waxba ka qabin karin haddii Gaas lagu weeraro Xamar, waxaase yaab leh in isaga oo wata ciidamadaas, haddana Gaas ay soo galbiyeen ciidamo kale oo kuwa dowladda Soomaaliya ah, taasoo ku tuseysa in ciidankiisu ahaayeen kuwa is-tus-tus un loo soo kaxeystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com