Xog cusub: Edward Snowden oo iibinaaya sir iyo macluuumaad ku saabsan dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Edward Snowden oo ah Sargaal ka tirsanaa Sirdoonka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in iminka uu iib ku raadinaayo Macluumaad uu ka hayo sir ay wadaagan Sirdoonka Mareykanka iyo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka.

Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Mr Edward Snowden uu doonayo in Macluumaadkaasi oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Sirdoonka iyo Xubno ka tirsan DF oo aan la carabaabin ayaa lagu sheegay in laga iibinaayo Dowladaha ka soo horjeeda Mareykanka inkastoo qoraalkaasi lagu sheegay in Dowlada Iran ay dadaal ugu jirto sida ay xogtaasi ku iibsan laheyd.

Sidoo kale qoraalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Macluumaadkaasi faafintooda ay caqabad hor leh u abuuri doonto Dowlada Mareykanka markii loo eego qaabka ay u adeegsaneyso Dowlada Somalia.

Edward Snowden ayaa muddooyinkaani ugu danbeeyay si aad ah uga macaashay iibinta xogaha Mareykanka kadib markii uu ka gadooday Dowlada Mareykanka.

Mr Edward Snowden ayaa horay u iibiyay Macluumaad dagaal ka dhex dhaliyay Dowladaha reer galbeedka, bacdamaa Sirdoonka Mareykanka la sheegay inay dhageystaan Telefoonada gaarka ah oo ay isticmaalan Madaxweynayaasha ugu tunka weyn Yurub.

Si dhab ah looma oga shaqsiyaadka ka tirsan Dowlada Somalia ee iyagu ay saameyn doonto Macluumaadkaasi laga hayo Dowladaha Mareykanka iyo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com