Haweenay qudaar iibin jirtay oo lagu dilay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo aan la garan ayaa dil u geystay haweenay caan ka aheyd suuqa qudaarta Ansalooti ee degmada Xamat Jajab, kadib markii rasaas ay la dhaceen haweeneyda.

Haweeneyda oo magaceeda lagu koobay Canshuuro Cali ayaa kamid aheyd haweenka qudaarta ku fadhiya suuqa Ansalooti, waxaana kooxaha oo bastoolad wada ku dhifteen dhowr xabo oo rasaas ah .

Kooxaha ayaa dilka kadib sameeyay talaabada lagu yaqaanay oo waxay ka baxsadeen goobta dilka uu ka dhacay, waxaana kadib ciidamada amaanka ay tageen suuqa.

Xogo qaar ayaa sheegaya in haweeneyda ay askarinimo ku shaqeyn jirtay gelinka dambe ee maalintii, sabab la xiriirta seygeeda oo la sheegay inuu booska uu ka dhintay laguna badalay.

Laamaha amaanka degmada iyo maamulka degma da Xamar Jajab ayaanan wali ka hadlin dilka haweeneyda loogu geystay degmada, waxaase socda ba aritaano ay sameynayaan ciidamada amaanka degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com