Ahlu-Sunna oo Shirka Muqdisho ka hadashay..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Baashi Maxamed Diiriye, madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney kasoo horjeedaan shirka maalintii shalay ka furmay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya madaxda dalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Cali Baashi, ayaa  sheegay iney kasoo horjeedaan waqti kororsi ay damacsan yihiin madaxda dowlada Soomaaliya, taasina aysan suuro gali Karin, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, laakiin xubnaha sare ee dowlada aysan sidaasi dooneynin.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa eedeymo u jeediyay ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo uu ku sheegay inuu hortaagan yahay horumarka Soomaaliya.

Ahlu sunna ayaa kasoo horjeeda dowlada Soomaaliya waxaana marar badan dhaqan gali waayay hishiisyo ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com