COD: Afeey oo si dadban ula saftay GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Caabudwaaq iyo deegaanada Galgaduud una dhaxeeyay Ahlu sunna iyo Galmudug.

Maxamed Afeey ayaa sheegay in Soomaali badan ay ku dhinteen dagaaladii wajiyada kala duwan lahaa ee ka dhacay gudaha Soomaaliya oo iminka loo baahan yahay in wax walbaa wadahadal lagu dhameeyo ayna taageeri doonaan.

Dowlad Qaran ayuu sheegay iney ka dhisan tahay gudaha dalka Soomaaliya ayna ka hoos shaqeeyaan dowlad goboleedyo badan, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafkaadka jira.

Koox walba oo dooneysa iney dhiig ku gaarto mansab siyaaseed ayuu sheegay ineysan u suuro gali doonin, sababo la xiriira siyaasada uu kusoo biyo shibatay hayadaha dowlada, sida uu hadalka u dhigay.

“Cidka kasta oo dooneysa iney dhiig ay daadiso mansab ku gaarto ma soconeyso, waxaan leenahay waan ka xunahay waxii Galmudug ka dhacay, wax walbana wadahadal halagu dhameeyo ayaan leeyahay”ayuu yiri Afeey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com