Video: Cadaaladda Kismaayo: 9 nin oo Ogaaden ah oo loo dilay labo nin oo Sheekhaal ah dartood

Kismaayo (Caasimada Online) – Maalintii shalay duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo waxa ka dhacay fal dil oo ay geysteen 10 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Tobankaas askari ee dilka geystay ayaa oo kasoo wada jeeda Beesha Ogaadeen waxaana ay dileen labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeda Beesha Sheekhaal.

Dilka kadib ayaa Ciidamada Jubbaland waxaa ay gacanta ku dhigeen tobankii askari ee dilay labada ruux oo mid kamid ah uu ahaa Qurba-joog.
Marka laga soo tago 7 askari ee la toogtay waxaa sidoo kale jira 2 askari oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada, taasoo tirada dhimashada ka dhigeysa 9 askari oo beesha Ogaadeen ah.

Maxkamada Ciidamada Jubbaland ayaa xukun dil iyo xariga waxaa ay ku riday askartii lagu eedeeyay dilka labada qof ee shacabka ah.

Dhacdadaan oo kale wali kama aysan dhicin magaalada Kismaayo, dadka magaalada ayaa aad u hadal haya dilalka

Hoos ka Daawo Muuqaalka Ragii la toogtay