Axmed Madoobe, Shariif Xasan, Cabdi Weli Gaas iyo GUULEED oo isku mowqif noqday (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka looga tashanayo doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka 2016 oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka iyo madaxda ugu sareyso dalka.

Xubnaha maamul goboleedyada ayaa markii ugu horeysay mowqif mideysan ka qaatay iney wanaagsan tahay in Soomaalida ay ka tashato aayaha mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlayay shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muhiim uu  yahay shirka looga hadlayo aayaha Soomaaliya, isagoo amaanay beesha caalamka qaabka ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweynaha maamulka Galmudug oo isna hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in kulan maanta uu yahay mid meesha ka saaraya mugdiga ku aadan in madaxda dalka doonayaan waqti kordhin, maadaama go’aan looga gaari karo waxa dhacaya sanadka 2016.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxda Soomaalida danahooda gaarka ah meel iska dhigaan islamarkaana qaataan mowqif mideysan oo ku aadan aayaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay kaalin walba oo looga baahan yahay si loo gaaro Soomaali oo horumar gaarta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com