XOG: Yaa Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe ku qasbay ka qeyb-galka shirka MUQDISHO?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubba C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta yimid Muqdisho, ayaga oo ka qeyb galaya shirka wadatashiga qaabka looga gudbayo hiigsiga cusub oo Muqdisho ka furmi doona Axadda.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in arrintan ay ka dambeysay culeys ay saareen wakiilada Beesha Caalamka oo saacadihii ugu danbeeyay xiriiro toos ah la lahaa labada hogaamiye, waxaana la sheegay in amar lagu siiyay inay ka qeyb galaan shirka Muqdisho, haddii ay ka baaqsadaanna wixii ka soo baxa shirkaasi ay ku qasban yihiin inay u hogaansamaan.

Wakiilka Q/Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa madaxweynaha Puntland cadaadis ku saaray in siyaasadiisa ku wajahan dowladda Federaalka iyo xaaladda mustaqabka Soomaaliya uu kala saaro. Waxaana la sheegay in la ogoleysiiyay inuu shirka Muqdisho oo uu hore u qaadacay ka qeyb galo.

Dhinaca kale Axmed Madoobe oo isagu ogolaa shirka Muqdisho ayaa kaliya ka caga jiidayay, wuxuuna si toos ah u aqbalay inuu ka mid noqdo madaxda maamulada dalka ka jira ee shirka Muqdisho ka qeyb galaya. Arrintan ayaa muujineysa in beesha caalamka ay tahay tan go’aanka ugu dambeeya leh arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com