Shirka wadatashiga 2016 oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ka furmay shirka wadatashiga oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Shirka oo hadda furmay, oo horudhac u ah kan weyn ee furmaya berri, ayaa waxaa dibad joog ka ah Saxaafada waxaana shirka furay Madaxweynaha Jamhuuriyada Xassan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona Hiigsiga 2016-ka oo weli qabyo u ah DF Somalia, iyadoona Maamulada Gobolada ay halkaasi ka dhiiban doonaan aaraa’dooda.

Waxaa sidoo kale, madasha shirka ku sugan Xubno ka socda Beesha Caalamka oo iyagu kor kala socon doona Mowqifyada shirkaasi kasoo bixi doona.

Shirkaan ayaa uljeedkiisu waxa uu yahay in laga wadatashado hanaanka ay u dhici doonto doorashada Madaxtinimada dalka sanadka 2016-ka iyo sidoo kale in laga wada hadlo arrimaha ku aadan waxyaabaha la kala tabanayo.

La soco wararkeena danbe wixii ku saabsan shirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com